Nooca Deeqda
Deeqdan, oo ka kooban noocyada kala duwan ee cuntada daruuriga ah sida bur, bariis, sonkor, baasto, caano, saliid, iyo timir, oo ay ku deeqday Sultanate Oman soona marsiisay, Oman charity ayaa loogu talagalay in ay ka caawiso qoysaska dhibaateysan in ay helaan afur waqtiyadan barakaysan.

Cidda Bixisay Deeqda.
Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa uga mahadceliyay Saldanatu Cuman dadaalkooda ku aaddan garab istaagga dadka jilicsan, iyagoo xusay in deeqahan ay gacan ka geysan doonaan yaraynta baahida bulshada u nugul duruufaha nololeed.


Aragtida Bulshada
Dadka ka faa’iideystay deeqdan ayaa muujiyay farxad iyo mahadnaq, iyagoo tilmaamay in ay tahay gargaar xilli habboon kusoo beegmay maadaama ay wajahayaan duruufo nololeed oo adag.
Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay in la taageero bulshada danta yar iyo dadka jilicsan. Sidoo kale, waxay ugu baaqday hay’adaha kale ee samafalka iyo ganacsatada deegaanka in ay gacan ka geystaan dadaallada lagu taageerayo dadka u baahan, si loo yareeyo saameynta nololeed ee ka dhalatay duruufaha adag.
Dowladda Hoose ayaa sidoo kale xustay in ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira caawinta dadka jilicsan, dib u dejinta barakacayaasha, iyo horumarinta adeegyadii aas-aasiga ahaa ee magaalada Gaalkacyo.
Leave A Comment